R/wasaare Xasan Cali Khayrre oo maanta la ciiday shacabka Muqdisho+Sawirro

1830

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta socdaal ku tegay deegaanka Daaru-salaam, Xeebta Liido iyo Beerta Nabadda halkaas oo ay ku damaashaadayeen dadweyne u dabbaal degayay Farxadda munaasabadda Ciidul-Fidriga.

Ra’iisul Wasaaraha oo beerta Nabadda kula hadlay shacabkii halkaa ku sugnaa ayaa ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidul-Fidriga isaga oo ku ammaanay sida ay ula shaqeeyeen ciidamada ammaanka oo ay uga qeyb qaateen nabadgelyada Caasimadda iyo guud ahaan Dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa si taa lamid ah ciidanka Suggidda amniga Caasimadda kula ciiday saldhigga ay ku leeyihiin Xarunta Xisbiga ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ciidanka uu kula qadeeyay.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kula dardaarmay ciidanka in ay sii laba jibbaaraan dadaalka ay ku sugayaan amniga si shacabku ay ugu noolaadaan nabad iyo xasilooni waarta.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here