Saddex ka mid ah Ciidamada Nabad ilaalinta Mali oo la dilay

693

Wararka ka imanaya  Waqooyiga dalka Mali ayaa sheegaya in saddex ka mid ah Ciidamada nabad ilaalinta Qaraamada midoobay oo ku sugan dalkaasi lagu dilay qarax, halka saddex kalana ay ku dhaawacmeen.

Bayaan ka soo baxay Ergada Qaraamada Midoobay ee dalkaasi Mali ku sugan ayaa lagu sheegay in Qaraxaasi uu ka dhashay Bam la dhigay jid ku yaal magaalada Gaw ee waqooyiga dalkaasi xilli Kolonyo ka tirsan Ciidamadaasi ay  halkaa marayeen, waxaana la sheegay inay dhibaatada intaa ka sii badnaan karto.

Warku wuxuu intaa ku daray in ay baarista dhacdaasi weli socoto.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here