Safaaradda Soomaaliya ee Koofur Afrika oo COVID-19 dartii u hakisay howlihii ay heysay

Safiir ku-xigeenka ahna Lataliyaha koowaad Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika, Mudane Cabdalla Cali oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in laga bilaabo maanta ay Safaaradda hakin doonto howlaheeda ay u heysay muwaadiniinteeda.

Mudane Cabdalla ayaa intaasi ku daray in uu heer sare marayo faafitaanka cudurka  COVID-19, sidaa darteed ay Safaaradda xirnaan doonto 14 cisho.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayuu kula dardaarmay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, maadama uu cudurka badanayo faafitaankiisa.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa si maalinle ah u geeriyooda cudurka COVID-19, ayadoo uu khudbad uu jeediyey xalay Madaxweynaha dalkaasi, kaasi oo sheegay in uu dalkiisa dhawaan bilaabay tallaalka cudurkan.