Safiirka Soomaaliya ee Dalka Malaysia oo Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Dr Xasan Cumar

Marxuum Dr. Xasan Cumar Axmed

Safiirka Soomaaliya ee dalka Malaysia Danjire Abuukar Cabdi Cismaan ayaa isaga oo ku hadlaya magaca Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Malaysia iyo dhammaan Diblomaasiyiinta iyo Howlwadeennada safaradda waxaa uu tacsi tiiraanyo leh u direyaa Ehelkii iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday walaalkeen Dr. Xasan Cumar Axmed oo  maanta Caabuqa COVID-19 awgii ugu  geeriyooday dalka Malaysia .

Marxuumka ayaa ahaa nin aad looga yaqaano dalka Malaysia wuxuuna u hibeeyay wakhtigiisa, hantidiisa iyo maskaxdiisa Ummadda Soamaaliyeed, wuxuuna caan ku ahaa caawinta, waxbarista iyo la talinta Jaaliyadda Somaaliyeed ee dalka Malaysia.

Dr Xasan ayaa ahaa milkiilaha College lagu barto luuqadaha oo la yiraahdo Elit language centre oo muddo ka badan 15 sano soo saarayay aqoonyahano Soomaaliyeed oo maanta ku kala nool daafaha Adduunka, sidoo kale wuxuu kaalin weyn ka qaatay horumatinta  iyo tababarista Bankiyada Islaamka.

Marxuumka wuxuu ahaa ganacsade foojignaan badan, naxariis badan caqli badan , dadkana jecel.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Malaysiya ayaa markale waxa uu xusay in uu la qeybsanayo murugada ehelkiisa iyo asxaabtiisa, waxaana uu Alle uga baryay inuu geeyo Janatul firdowsa . AAMIIN

Innaa Lillaahi Waa Inna Ilaahi Raajicuun

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here