Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo u gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda

249

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Itoobiya, Danjire Cali Shariif Axmed, ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo u gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Dr. Workneh Gebeyehu.

 

Kulanka oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka, ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya waxa uu sheegay in ay jirto yididiillo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ee u dhexeeya laba dal ee walaalaha ah ee leh taariikh fog si looga dhabeeyo rabitaanka labada shacab ee Soomaali iyo Itoobiya.

Dhankiisa, Danjire Cali Shariif ayaa boggaadiyay xiriirka xooggan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyo rabitaanka guud ee labada dhinac ee lagu qoto dheereynayo xiriirka iyo iskaashiga oo dhinacyo kasta leh.

Mudane Cali Shariif ayaa sidoo kale gudbiyay farriin salaan ah uu ka siday Wasiirka Arrimaha Dibadda, Xukuumadda iyo dhammaan hey’adaha dowladda oo ku socotay Dowladda iyo Shacabka Itoobiya.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here