Safiirka UK ee Soomaaliya oo maanta booqday Kismaayo

0
1189

Wafdigan oo uu Hogaaminayay Safiirka Dawlada Ingiriiska u Fadhiya Soomaaliya Danjire Neil Wigan ayaa garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Kismaayo waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha maamulka Jubbaland Mudane: Axmed Maxamed Islaam iyo mas’uuliyiin kale.

Soo dhawayn kadib waxaa kulamo Saacado badan qaatay ay wafdiga iyo madaxda Jubbaland ay ku Yeeshen gudaha garoonka diyaarada ee magaalada Kismaayo.

Markii ay kulamadu soo dhamaaden Waxaa Saxaafada si wada Jir ah ula hadlay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam iyo Danjire Neil Wigan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin wafdiga ka socda Safaarada Ingiriiska ee soomaaliya isla markana Waxyabahii laga Wada hadlay ay kamid ahaayen horumarada laga gaaray dhismaha Jubbaland iyo sidii loo dhamaystiri lahaa waxyabaha dhiman maamulkaasi.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa dhanka kale sheegay in Waxyaabahii laga Wada hadlay ay kamid ahayd Tixraaca Waxyabahii ka qabsoomay heshiiskii Adis Ababa Ee lagu aqoonsaday dawlada goboleedka Jubbaland.

Danjire Neil Wigan, ayaa dhankiisa sheegay in mar walba oo uu Jubbaland yimaado ay indhahiisu qabanayaan horumar baaxad leh oo ay Jubbaland ku talaabsatay taas oo uu sheegay in Madaxda Jubbaland iyo shacabkooduba ay amaan ku mudan yihiin waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in dawlada UK ay Joogtayn doonto tageerada ay Jubbaland la garab taagan tahay.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here