Safiirka Yeman ee Soomaaliya oo booqday Garoowe

0
1015

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay Safiirka Dawladda Yemen ee Soomaaliya Mr. Mansur Ali Rayash Al-imrani.

Kullan gaar ah oo uu Madaxweynuhu la qaatay Safiirka ayaa waxaa uu uga warbixiyey dadaalka ay Puntland ugu jirto soo dhaweynta iyo dejinta qaxootiga ka imaanaya dalka Yemen oo ay ka socdaan dagaalo.

Waxaa uu sidoo kale Madaxweynuhu sheegay in Puntland dadaal dheeri ah ku bixinayso sidii loogu gurman lahaa dadka ka soo qaxaya dagaalada Yemen isla markaana ay jiraan gudiyo u xilsaaran u gurmadida walaalaheena Yemen ee dhibaataysan.

Mr. Mansur Ali Rayash Al-imrani ayaa isna dhankiisa Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Gaas iyo dhammaan shacabka reer Puntland uga mahadceliyey sida ay ugu gurmadeen walaalahooda ay dhibaatadu ku habsatay.

Puntland iyo shacabkeeda ayuuna ku amaanay sida wanaagsan ee ay u garab taagan yihiin Dawladda Yemen iyo shacabkeeda oo hada galay marxalad dagaal, isagoona qiray inaysan marnaba maankooda ka baxeyn walaalooda Puntland.

Imaanshaha Safiirka ee Puntland ayaa ku soo aadaysa xili ay si xawli ah ku soconayaan qaxootiga ka imaanaya dalka Yemen ee soo gaaraya gudaha Puntland, kuwaasi oo ay dawladda iyo shacabka reer Puntland u fidiyen gurmad deg deg ah.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here