Saanad ciidan oo la gaarsiiyay degmada Bardaale

Mas’uuliyiin ay kamid yihiin wasiirka dhaqan celinta iyo hubka dhigista maleeshiyaadka, wasiirka warfaafinta iyo taliyaha ciidanka daraawiishta ee maamulka koofur galbeed Soomaaliya ayaa gaaraya degmada Bardaale ee gobolka Baay, ayagoo halkaas gaarsiiyay saanad ciidan maadaama dhowaan halkaas ciidanka daraawiishta ka tirsan tababar loogu soo gabagebeeyay.

Ciidanka la qalabeeyay ayaa loo diyaariyay in ay sugaan ammaanka degmada Bardaale iyo deegaanada kale oo ku dhow dhow si aynan dhibaato ugu geysan kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab.

Dowlad goboleedka Koofur galbeed ayaa dhowaanahan waday qorshe lagu qalabeynaayo ciidanka maamulkaas si loo dardargeliyo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here