Sanadguurada 55 aad ee Ciidanka Xoogga oo maanta si weyn loo xusay “SAWIRRO”

2
10832

Munaasabado lagu xusayay sanadguurada 55 aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed  ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiiro, Xildhibaan, saraakiisha ugu sareysa Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ururada Haweenka qaar  ayaa maanta lagu qabtay xarunta Wasaaradda Difaaca oo ku taala magaalada Muqdisho.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xooga ayaa salaan sharaf siiyay mas’uuliyiinta munaasabadda ka qeybgashay oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Xasan, iyadoona Ciidamada qeybahooda kala duwan gaari ka cayaar qurux badan goobta ay ku soo bandhigeen.

Sidoo kale waxaa goobta lagu soo bandhigay gaadiidka ay leeyihiin Ciidanka Xoogga dalka oo noocyo kala duwan isugu jira kuwaas oo ay kamid yihiin gawaarida lagu daabulo Ciidanka.

Fanaaniinta Kooxda Horseed ee Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya ayaa munaasabad ka qeyb qaadanayay ayagoo Heeso iyo Ruwaayado ka hadlaya ahmiyadda Ciidanka Xooga uu dalka u leeyahay.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay intii munaasabadda ay socotay iyadoo Ciidamo la dhigay wadooyinka waa weyn ee magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Sidoo kale Munaasabad lagu xusayay maalinta 12 Abriil ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud gaar ahaan xerdada 21 aad ee Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed waxaana ka qeybgalay Mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo saraakiisha Ciidanka Xooga iyadoo Ciidamada gaardi ka ciyaar halkaasi ku soo bandhigeen.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu maamusayay 55 sano guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya waxaana munaasabadaasi ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwo ka socda maamulka koonfur galbeed Soomaaliya.

Munaasabad lagu weynayayay sanadguuradii 55 aad ee Ciidanka Xoogga dalka oo ku beegan 12 Abriil ayaa sidoo kale maanta lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo dadweyne aad u badan oo ku nool magaaladaasi.

IMG_8038 IMG_8044 IMG_8045 IMG_8046  IMG_8049 IMG_8053     IMG_8076 IMG_8085   IMG_8088 IMG_8089   IMG_8092 IMG_8093 IMG_8094 IMG_8095 IMG_8096 IMG_8097 IMG_8098   IMG_8102 IMG_8103 IMG_8104  IMG_8106  IMG_8108 IMG_8109  IMG_8111 IMG_8112   IMG_8117 IMG_8118 IMG_8119 IMG_8120 IMG_8121 IMG_8122 IMG_8123  IMG_8125 IMG_8126 IMG_8127 IMG_8128  IMG_8133  IMG_8135 IMG_8137 IMG_8138  IMG_8141  IMG_8143 IMG_8144  IMG_8147 IMG_8149 IMG_8151 IMG_8152 IMG_8153  IMG_8155 IMG_8156  IMG_8158 IMG_8159  IMG_8161  IMG_8163 IMG_8164  IMG_8166 IMG_8167  IMG_8169 IMG_8170 IMG_8171  IMG_8173 IMG_8175 IMG_8176 IMG_8177 IMG_8178 IMG_8179 IMG_8180 IMG_8181 IMG_8182 IMG_8183  IMG_8185 IMG_8187 IMG_8188  IMG_8190 IMG_8267 IMG_8268 IMG_8269   IMG_8273  IMG_8275 IMG_8276 IMG_8279  IMG_8283 IMG_8284 IMG_8285 IMG_8286 IMG_8287  IMG_8289 IMG_8290 IMG_8291 IMG_8292 IMG_8294 IMG_8295 IMG_8296 IMG_8297 IMG_8302 IMG_8303 IMG_8304 IMG_8305 IMG_8306  IMG_8308 IMG_8309 IMG_8313 IMG_8314  IMG_8318  IMG_8320  IMG_8322 IMG_8323 IMG_8324 IMG_8325  IMG_8328 IMG_8331 IMG_8332 IMG_8333 IMG_8334  IMG_8336 IMG_8337

Sawiro Qaade: Axmed Cali Kaahiye

 

 

Did you like this? Share it:

2 COMMENTS

  1. Hanbalyo Hanbalyo ciidankada xooga dalka soomaliyeeda allaha usoo celiyo awoodi eey lahayeen
    bahrada warbaahinta qaranka waxaan idin kugu baqaa inaa dadka bartaan dowlinada iyo in waxa jir wax lagu gaari karo mhdsnidiidn radiomuqdisho iyo dhamaan shaqalaaha

  2. Hanbalyo Hanbalyo Hanbalyo iyo salaanbaan u dirayaa ciidankeena qaran somaliya Guul wacan ayaa idin leeyahay noqda kuwii aanu ku faani jirnay oo cadwga iyo argagaxisada ladagaalama insha allah awoodii ciidan ee Somalia lagu yaqaanay allah hanoo soo celiyo aamiin aamiin amiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here