Sanadguurada SNTV oo lagu qabtay Stokholm”SAWIRRO”

0
2223

Munaasabad ballaaran oo loogu dabaaldegayay Sanadguuradii 4aad ee dib u howlgelinta Sntv burburkii kadib iyadoo aasaaskii Tv.ga oo haatan laga joogo muddo 32 sano ah ayaa lagu qabtay Magaalada Stokholm ee xarunta Dalka Sweden.

Munaasabadaan oo si heer sare loo soo agaasimay isla markaana uu marti geliyey Madaxa Sntv ee wadamada Scandinavianka c/raxmaan Xudeyfi ayaa lagu casuumay dhammaan wakiillada iyo madaxda Sntv ee qaaradda Yurub gaar ahaa Dalalka Uk,Norwey iyo Holland,xubnaha jaaliyadda reer Sweden ee ku nool Stokholm iyo marti sharaf kale .

Ugu horeyn xaflada ayaa waxaa ka hadlay saxafiyiinta ka howlgala Tvga Qaranka oo ka sheekeeyey marxaladihi kala duwanaa ee uu ku soo shaqeeyey Tv.ga Qaranka Soomaaliyeed oo ah Tv.ga keliya ee Af Soomaali ku hadla oo dunida oo dhan si isku mid ah looga daawado.

Ka qeybgaleyaasha munaasabada ayaa ugu hambalyeeyey howlwadeenna Tv.ga qaranka howsha adag oo ay u hayaan buldhadooda.

AGaasimaha guud ee Wasaarada warfaafinta C/risaaq Cali Yuusuf Bahlawi oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in sanadkan uu kaso qeybgalo xaflada lagu xusayay TVga oo ka dhaceysa mid kamid ah dalalka Yurub waxa uuna ku amaanay madaxda iyo howlwadeennada warbaahinta qaranka doorka wanaagsan oo ay ka qaateen wacyigelinta iyo is dhaxgalka bulshada isagoo ku dhiirageliyey in dedaalka lasii kordhiyo.

Mas’uuliyiintii kale ee ka hadashay goobta xafladda lagu qabtay ee Jubba restaurent ayaa ka codsaday Madaxda dowladda Soomaaliya inay il gaar ah ku eegaan howlwadeenna warbaahinta qaranka oo xilligan adag u istaagay haqabtirka iyo samata bixinta bulshada Soomsliyeed iyagoo howlwadeenna warfaafinta ku tilmaamay inay yihiin geesiyaal uu dalka xusi doono.

Ugu dambeyntii ayaa casho sharaf ay isugu yimaadeen agaasimaha guud ee warfaafinta C/risaaq  Cali Yuusuf bahlawi iyo howlwadeennada Sntv ee Yurub looga wada hadlay qaabka loo si horumarin karo xafiisyada Yurub ee Tv.ga iyo sidii ay u sii xoojin lahaayeen xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhexeysa xafiisyadaasi.

bahl casho s1 s2 s3 s4 s5 s6 s7 s8 s9 s22 s33 s44 s55 s66 s77 s88 s99 team

 

 

 

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here