Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo tababar loogu soo xiray Tanzania +Sawirro

452

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya gaar ahaan qeybaha ka howlgala xuduudaha dalka ayaa tababar ugu soo xirmey magaalada Moshi ee dalka Tanzaaniya.

Tababarkaan oo lagu baranayey hababka socdaalka iyo amniga xuduudaha ayaa waxaa iska kaashanayey Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM).

Saraakiishaan ayaa booqdey qaar ka tirsan xuduudaha dalka Tanzania uu la leeyahey dalalka dariska la ah, iyaga oo soo arkey hababka iyo saraakiisha ka howlgala.

Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa dardar gelineysa howlaha muhiimka ah ee shacabka Soomaaliyeed u heyso,waxaana socda dadaalo kor loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadda Saraakiisha Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here