Saraakiil ka tirsan HSJ oo tababat ugu soo xirmay Spain

Saraakiil ka tirsan Hey’adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) ayaa tababar ku saabsan Maareynta Xuduudaha iyo Qiimeynta khataraha Socdaalka waxa uu ugu soo xirmay Dalka Spain.

Tababarkan oo socday mudo Labo Todobaad ah ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalayay xubno Saraakiil ah oo ka kala socday dalalka Cape Verde, Angola, Libya iyo Somalia.

Ugu dambeyn Agaasimaha Iskuulka tababarada Boliiska dalka Spain iyo madax ka socotay Hey’adda Frontex oo ah Hey’adda soo qaban qaabisay tababarkan ayaa shahaadooyin gudoonsiiyay Saraakiisha ka qeybqaadatay tababarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here