Saraakiil ka tirsan Kooxda Alshabaab oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Gobolka Gedo.

1263

Duqeyn diyaaradeed ayaa xalay waxa ay ka dhacday tuulooyinka Makka iyo Qansax-oomane oo hoostaga degaanka Ceel-cadde oo ka tirsan gobolka Gedo, sida ay  sheegeen masuuliyiin ka tirsan gobolkaasi.

Diyaarado dagaal oo joog hoose ku socday ayaa gantaallo culus la beegsaday fariisimo Maleeshiyada Kooxda Al Shabaab ay ku leeyihiin tuulooyinka ku dhaw degaanka Ceel-cadde.

Korneel Cabaas Gurey oo ka mid ah saraakiisha ciidanka dowladda gobolka Gedo ayaa wuxuu sheegay goobta la bartilmaameedsaday inay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan Nabad diidka Al Shabaab oo uu ka mid yahay taliyaha amniyaadka Argagixisada ee gobolka Gedo.

Wuxuu sheegay Korneel Cabaas duqeyntan inaanay jirin khasaare dad shacab ah ka soo gaaray, taasi bedelkeeda ayuu tilmaamay inay khasaare kala duwan ku gaarsiiyeen xubno ka tirsan Kooxda Al Shabaab.

“Duqeyntu waxay aheyd mid lala eegtay kooxaha nabad-diidka Al Shabaab, waxaan ognahay inaanay dhib gaarin shacabka, balse waxaa lala beegsaday nimanka cadowga ah, dhimasho iyo dhaawac aya ku gaaray, goobta la bartilmaameedsaday waxaa ku sugnaa taliyaha amniga gobolka Gedo ee Shabaab”. Ayuu yiri Korneel Cabaas Gurey.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here