Saraakiil ka tirsan Midowga Afrika oo booqatay Isbitaalka AMISOM+ Sawirro

Ku xigeenka Madaxa Ciidanka Midowga Afrika iyo Saraakiil kale ayaa booqday bukaanno kala duwan oo ku jira Isbitaalka AMISOM ee Muqdisho.

Booqashada ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ahaa taliyaha Ciidanka howl-galka AMISOM, Jenaraal, . Kitila Bulti Tadesse iyo Jenaraal, Michael Kabango, oo ka mid ah Saraakiisha sar-sare ee Ciidanka Midowga Afrika.

Bukaannada ayaa isugu jira, Askar qabta dhaawacyo kala duwan iyo Dad rayid ah oo lagu dabiibayo halkaasi, iyadoo la guddoonsiiyay Raashiin fudud oo nafaqaysan iyo waxyaabo kale oo looga tala galay inay isticmaalaan inta ay Isbitaalka ku jiraan.

Qaybta Labaad ee Isbitaalka AMISOM oo looga tala galay shaqaalahahowl-galka Midowga Afrika, ayaa sidoo kale lagu qaabbilaa Ciidamada iyo Shacabka Soomaaliyeed ee u baahan adeegyada caafimaad.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here