Saraakiil ka tirsan XDS oo Maanta tababar loogu qaaday Turkiga+Sawirro

2727

49 Saraakiiil iyo Saraakiil Xigeen ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Maanta loo qaaday Dalka Turkiga, si halkaas ay ugu soo qaataan tababar Sare loogu qaadayo aqoontooda

Saraakiishan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Goalyaasha Dowladda.

Wasiirka difaaca Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Ammar dambe) ayaa guud ahaanba Saraakiisha iyo Saraakiil xigeennada nasiibka u yeeshay inay tababarka helaan waxa uu ugu baaqay inay dedaalkooda Laba jibbaaraan, isla markaana ay noqdaan kuwa Dalkooda wax u qabta.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here