Saraakiisha Sacuudiga oo ka hadlay gaari isku dayay inuu xoog ku galo Xaramka oo ay qabteen

Saraakiisha Sacuudiga ayaa maanta oo Sabti ah ka hadlay muwaadin u dhashay  Sacuudiga oo gaari uu watay si xoog ah isku dayay inuu ku galo Xaramka.

Saraakiisha ayaa sheegay in muwaadinka watay gaariga uu ahaa qof madaxa looga jiro, iyagoo qiray in isku daygaas aysan waxyeelo ka dhalan.

Albaabka 89-aad ee Xaramka ayaa laga hor istaagay gaari nooca raaxada ah oo isku dayay in uu xoog ku galo Xaramka shalay oo Jimco aheyd.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here