SAWIRO :Afar kamid ah Saraakiishii lagu eedeeyay in ay dili Rabeen Madaxweyne Erdogan oo la qabtay

8637

Ciidamada ammaanka ee dalka Turkiga, ayaa waxay gacanta ku dhigeen afar ka mid ah Saraakiishii Militariga, ee ku fashilmay afgambigii ay ku doonayeen inay kursiga kaga tuuraan Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan.

General Gokhan Sahin Sonmezates, Hasan Arslanbay iyo Ali Saribey, ayaa waxaa siyaabooyin kala duwan looga soo qabtay Gobolka Mugla.

Saraakiishaan, ayaa waxaa loo kaxeeyay Gobolka Aegean, iyadoona lagu xiray xabsi ku yaala Magaalada Izmir, waxaana la bilaabay baaritaano wax looga weydiinaayo Saraakiishii kale ee weerarka ku wehlineysay.

Serkan Elci oo ka mid ah Saraakiisha la doon doonaayo, ayaa Khamiistii waxaa uu iska dhiibay Xarunta Booliska ee Magaalada Izmir, waxayna ka dhigan tahay in la qabtay afar ka mid ah Saraakiisha halista gelin gaartay nolosha Madaxweynaha Turkiga iyo qoyskiisuba.

Madaxweynaha iyo qoyskiisa oo 15-kii bishaan fasax u joogay hotel ku yaala Magaalada Marmaris, ayaa lagu soo weeraray diyaarad helicopter ahayd, wax yar uun ka dib markii ay ka taggeen hotelkaasi, Madaxweynaha waxaa uu xilligaa uu u amba baxay Magaalada Istanbul.

S-1S-2S-3S-4S-5S-6S-7S-8S-9S-10S-11S-12S-13S-14S-15

TSK ICERISINDEKI CEMAAT UYELERININ GERCEKLESTIRDIGI DARBE TESEBBUSUNDE, OZEL KUVVETLERE BAGLI ASKERLERIN CUMHURBASKANI RECEP ERDOGAN'IN KALDIGI OTELE GERCEKLESTIRDIGI BASKINI YONETEN TUMGENERAL GOKHAN SAHIN SONMEZATES'IN (SOLDAN IKINCI, ACIK RENK TISORT VE PANTOLONLU), IFADESIYLE ILGILI DETAYLAR, DARBE ONCESINE DAIR AYRINTI VERDI. IFADESINDE, "DARBECIYIM, ISTERLERSE IDAM ETSINLER AMA FETO'CU DEGILIM" DIYEN SONMEZATES, SALDIRIYI ORGANIZE EDEN ASKERLERDEN SUKRU SOYMEN'IN, KENDISINE DARBE GIRISIMINDEN 5 GUN ONCE "HAZIR OL BU HAFTA SENLIK VAR" DEDIGINI ONU SURDU. (FOTO: MARMARIS DHA) (ARSIV)
Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here