Sawirro:- Soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

2704

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi uu hoggaaminayo Raiisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed Cali, iyagoona salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Baambeeyda Soomaaliyeed.

Raiisul Wasaaraha iyo wafdigiis ayaa booqasho rasmi ah oo qaadaneysa hal maalin ku joogaya Soomaaliya, kaddib casuumaad uu u fideyey Madaxweynaha JFS.

Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa haatan waxaa u socdo wada xaajood ay kaga arrinsanayaan sidii sare loogu qaadi lahaa iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya labada dal.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here