Sawirro+Maamulka degmada Hodan oo Maanta Wasaaradda Waxbarashada XFS ku wareejiyay xaruunta ay ku la hayd degmadaasi

4819

Xaruntaan wasaaradda waxbrashada hidaha iyo tacliinta sare ayaa waxaa deganaan jiray masuuliyiinta ugu sareysa wasaaradda waxbarshada islamaraakn ku dhawaad 30 sano ay degenayeen dad shacab ah inta uu Dalka bu burka jiray, waxaana ay ku talaa xaafada taleex ee degmada Hodan Gobolka Banaaadir.

Maamulka degmada Hodan ayaa ku guuleystay in ka saaraan dadkii degeenaa halkaasi  iyadoo maanta uu Guddoomiye Maxanmed Axmed Cantooba uu ku wareejiyay wasaaraadda waxbarshada Dalka iyadoo uu goobta joogay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee xukumadda Federaalka Soomaaliyeed mudane C/raxmaan Daahir Cismaan.

Wasaaradda Waxbarashada Qaranka Soomaaliyeed ayaa dhawanhaanba waday qorshayaasha lagu tayaynaayo Waxbarashada Dalka iyo dibu dhiska xaruumihii ay la hayd Wsaaraddu si loogu adeego Bulshada Soomaaliyeed.

“Dowlaada Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku howlan in ay dib usoo celiyaan xarumahii danta Guud kuwaas oo lagu qaban jiray adeegayada ay u baahan yihiin bulshada qeybheeda kal duwan”

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here