Seynis yahan Soomaaliyeed oo 24 sano kadib u suurta galiyey Jaamacada Ummada Soomaaliyeed  in ay hogaamiso baaritaan cilmiyeysan oo heerkiisu sareeya

3
5119

Jaamacada Ummada Somaaliyeed ayaa markii ugu horeysey mudo 24 sano ah ka dib, ka qeyb qaadatey baaritaan cilmiyeysan oo nuuciisa ah, kaas oo uu hormuud ka ahaa saynisyahan soomaaliyeed. Maxamed Cabdulqaadir Geedi oo ah ardey shahaadada PhD da ka diyaariya kuliyada seyniska (Faculty of Science) ee Jamacada Nottingham ee dalka boqortooyada modowdey (UK), ayaa hogaminayey baaritaankaan oo lagu daabcay mid kamid ah jariiradaha  ugu afka dheer xaga Seyniska nafaqada Saliida iyo Dufanka caalamka, taas oo kasoo baxda dalka Spain (Cilmi baarahaan ayaa horey wax uga soo bartey dalka Malaysia oo u ku sameyey  Master Seynis ah (Master of Science) iyo dalka Sudan oo uu ku sameeyey Jamacadiisi koobaad (Bachelor of Science), isagoo ka mid ahaa dhalinyaradii xiligii burburka dalka gudihiisa, gaar ahaana magaalada Muqdisho, dugsiga sare uga baxey.

Dr Mohamed Abdulkadir Gedi ayaa yiri “ Tani waa waajib yar oo ka mid ah waajibaadka naga saaran dalkeena oo aan gudaneyno, qof walibana waa in uu aamina in uu dalkiisa wax u tari karo si iskaa wax u qabsa ah”

Baaritaan kaan oo ah mid cusub, ayaa ku saabsan sida ugu wanaagsan ee looga soo saari karo nuucyo ka mid ah Kiimiko loo yaqaan Fatty acids ama Aashito-dufaneed laga helo Saliida Malaayga (Kalluunka).

Aashito-dufaneed kaan ayaa muhiim u ah koboca maskaxda iyo waliba cudurada wadnaha ee bini’aadamka, waxaana loo yaqaanaa kiimiko ahaan Docosahexaenoic acid (DHA) iyo Eicosapentaenoic acid (EPA), labadaan Aashito-dufaneed ayaa ka mid ah koox Aashito-dufaneed ah oo loo yaqaan Omega 3, kuwaas oo qeyb lixaad leh ka qaata caafimaadka iyo koritaanka guud ee xubno badan oo muhiim ah sida maskaxda iyo wadnaha. DHA waxaa uu si gaar ah u kobciyaa maskaxda caruurta xilaga ay yaryihiin iyadoo dadka halmaanka badan ama uu ku yartahey diirad saaridda waxyaabaha gaarka ah sida akhriska IWM uu sidoo kale wax u tari karo, halka EPA uu aad u caawiyo dadka qaba xanuunada wadanaha la xariira.

Waxaa kale oo saliidaan laga heli karaa nuucyada Fitimiinada (vitamins) dufanka ku milma sida Vitamin A, D, E iyo K oo dhamaantood shaqooyin kala duwan oo muhiim ah u qabta jirka. Baaritaankani waxa uu hadaba bulshada ku dhiirigalinayaa in ugu yaraan laba mar asbuucii qofku uu cuno cunto Malay (Kalluun) ama Saliidiisa ka timid, gaar ahaana nuucyada malayga ee saliida badan, sida Tunna, Sardine, Mackerel, Salmon IWM.

Soo saarista baaritaano cilmiyeysan iyo tayada baaritaanadaas ayaa ka mid ah wax yaabaha ugu muhiimsan ee lagu kala saaro kaalimaha ay kala galaan Jaamacadaha aduunka, Hadaba hogaamintinta baaritaan nuucaan oo kale ah waxey kor u qaadeysaa magaca iyo heerka Jaamacda Ummada Soomaliyeed ee (SNU) oo 24 sano kadib markii ugu horeysey mar kale ka soo dhexmuuqaneysa caalamka wax qorista iyo baaritaan caaalami ah, taas oo hadii ay joogteyso jaamacadu ay kaalin muuqata ka soo gali karto Jaamacadaha, gobolka, Africa iyo xitaa aduunka.

IMG_1 IMG_2 (640x480) IMG_3 (640x480)  IMG_4 (640x480)_1 IMG_5 (640x480) IMG_6 (640x480) IMG_7 (480x640)

 

W/D: Maxamed Cabdul qaadir Geedi

Did you like this? Share it:

3 COMMENTS

  1. ASC: Waxaa mahad oo dhan iska leh Allaah ( SWC), Nabad galyo iyo naxariis Nabigeena Muxammed kor kiisa Allaha yeelo (SCW), intaas ka dib waxaa mahad iska leh dadka hormuudka u ah ama iska lahaa fikirka ah in Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) ama SNU, waxaa kale oo mahad iska leh Dr. Maxamed Cabdulqaadir Geedi oo ah nin da’ yar hadana dadaal badan (Maa shaa Allaah), waxaan ka codsan lahaa dowladda Soomaaliya iyo dhammaan inta horumarka waxbarasho ama kobaca aqoonta iyo cilmi-baarista daneysa, in ay ka qeyb qaataan tayeenta agabka cilmi-baarista sida ” labka iyo qeybta keedka dawada, waxaa kaloo wanaagsan in ardayda jaamacadaha si tijaabo ah ay u yimaadaan si loogu faa”iideeyo ardayda waxbarashada ku jirta. waxaa kaloo wanaagsan in dhammaan cilmi-baarita Af-Soomaali lagu badalo si afka ummadda loo sii horumarin karo oo loo heli karo eraybixinno cusub oo afka ku sii socon karo. Manhajka waxbarasho ee dalkana hadhaw looga faa’iideeyo mustqabalka dhaw hadii Alle idmo.

    Feysal Nuur Cali
    Muwaadin Soomaaliyeed

  2. jaamacada ummada soomaaliyeed waxeey ka mid ahaan jirtay jaamacadaha caalamka ugu magac dheer waana jaamacadii soo saartay aqoonyahanada soomaaliyeed kuwa ugu magac dheer waana illaaheey mahadiis in dowladeenu ay markale dib u furtay waxeeyna aheed talaabo geesinimo leh oo ay dowladu qaadatay waxaana muuqato in dowladu ay go,aansatay in ay isku wado la dagaalanka cadawga nabad diidka iyo jahliga oo ah labo cadaw oo aan kala culeeys yareeyn.
    waxaan halkaan salaan uga dirayaa aqoon yahan kaan soomaaliyeed oo ah arday soomaaliyeed oo wax ku bartay wadankeena dhaxdiisa waqtigii wadanku holcaayay waxaan leenahay guushaadu waa guusha ummada soomaaliyeed oo dhan waxaana kuu rajeeynaynaa in aad cilmibaaristaan guul ka soo hoyso iyo kuwo kaloo caalami ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here