Shaqaalaha Dowladda Oo La Fasaxay Khamiista Sababo La Xiriira Sanadka Cusub Ee Hijiriyada

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shaqaalaha hay’adaha dowladda heer federaal,iyo heer dowlad goboleed iyo guud ahaan shaqaalaha Soomaaliyeed ay fasax yihiin maalinta khamiista oo taariikhu ku beegantahay 20/August 2020 sababo la xiriira sanadka cusub ee Hijiriyada.

Dhamaan hay’adaha dowladda ayaa lagu wargeliyay qoraalkaasi ka soo baxay wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here