Shaqaalaha Wasaaradda arrimaha dibedda oo ka qayb qaatay ololaha Is-xilqaan+Sawirro

In ka badan 180 shaqaale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ka qeybgalay wejiga Labaad ee mashruuca “Is-xilqaan” ee  dib loogu dhisayo, laguna dayactirayo, Tiyaatarka Qaranka oo ku bur-buray dagaalladii sokeeye ee Dalka ka dhacay.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane, Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Mudane, Danjire; Saciid Xaaji Maxamuud ayaa kaalin muuqata ka qaatay ololaha.

Shaqaalaha Wasaaradda ayaa olole nadaafad iyo dhireyn ka billaabay Tiyaatarka, markii Wasaaraddu ku deeqday 150 Geed mirood iyo kuwa la harsado, taasi oo ka dhigan hindisihii ugu horreeyay ee Qaran, kaasoo ah mid lagu taageerayo howsha mutadawacnimada ah ee is-xilqaan.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here