Shariif Xasan oo Sacuudiga kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan ururka isku xirka caalamka

1775

Madaxweynaha Koonfur Galbeed  Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa magaalada bareykan ee makka Al-mukarrama ee Borqortooyada Sacuudi Carabiya kula kulmay xoghayaha guud ee ururka isku xirka caalamka islaamka Dr C/laahi Cabdi Al-muxsin Al-turki.

Shariif Xasan madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya ayaa ugu waramay xoghayaha  guud ee ururk isku xirka caalamka islaamka horumarada ka jira Jamhuuriyada Soomaaliya , waxa uuna ugu mahad celiyay boqortooyada Sacuudiga Carabiya mashaariicda horumarineed iyo tan bini’aadanimada ay ka fulineyso gobolada Soomaaliya oo idil..

Shariif Xasan waxyaabaha uu sida gaarka ah ugala hadlay mas’uulkaan waxaa ka mid ah degaanada maamulkiisu uu ka arimiyo waxaana uu ka codsaday in maamulkiisa laga taageero dhinacyada hormarka.

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here