Shiekh caan ah oo Kismaayo lagu dilay

0
3070

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka J/hoose ayaa sheegayaa in dabley hubeysan ay maantaa magaaladaasi ku dileen sheekh caalim oo si weyn loogu yaqaano degaankaasi laguna magacaabi jiray Sheekh C/llaahi Dalab.

Sheeka ayaa la sheegay inuu si weyn uga soo horjeeday afkaarta xagjirka ee kooxda Al-shabaab iyo sidii ay bulshada Soomaaliyeed uga fogaan lahayd.

Kooxda argagixisada Al-shabaab ayaa looga bartay in mar kasta ay bartilmaameedsadaan dadka wax galka u ah bulshada, sida culumada iyo aqoonyahaanka.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here