Shir dhaqaalaha dalka looga hadlayay oo Muqdisho lagu qabtay

1393

Muhiimada Shirkan oo aheyd horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirada howlaha guud iyo dib u dhiska iyo Kaluumeysiga,Xildhibaano ,Wasiiro ka socday maamul goboleedyada dalka ,khubaro dhinaca dhaqaalaha iyo marti sharaf kale.
Agaasimaha guud ee wszaarada howlaha iyo dib u dhiska ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane C/risaaq Diiriye oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in shirkan ujeedkiisa ay wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska ay u soo qaban qaabisay uu yahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.
C/raxmaan Yuusuf  Faarax wasiir ku xigeenka wasaaradda howlaha guud ee maamulka Puntland oo ku hadlayay magaca wasiiradii maamul goboleedyada ka socday ee kulanka ka soo qeybgalay ayaa sheegay in shirkan muhiimad gaar
ah uu u leeyahay maamul goboleedyada dalka.

“Wasaarada howlaha Guud waa wasaaradda wasaradaha dalka waa  wasaarada keliya oo maanta la dhihi karo canshuuraha beriga waxaa ay ka keeni kartaa guulo aad iyo aad u waa weyn laakiin waxaa laga yaabaa maanta howlaha guud shaqadeeda inaan la aqoon” ayuu yiri Mudane Faarax.
Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Ceymooy ayaa sheegay in wasaarada kaluumeysiga ay qeyb ka tahay horumarinta dhaqaalaha loona baahanyahay
in shirarka noocaan ah la badiyo.

“Maadaamaa wasaaradan ay ka mid tahay wasaaradaha lagu tilmaamo in ay ka mid tahay kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyadoo taasi ay jirtana anaga laf ahanteena waxaan ka mid nahay wasaaradahaas ,waxaan leeyahay talaabadan ay wasaarada howlaha guud qaaday waaa talaabo ku dayasho mudan ,waa talaabo horumarineed ,anagana waan la shaqeyneynaa” Wasiir Ceymooy ayaa yiri sidan.
Wasiirka howlaha guud iyo dhiska ee xukuumada Federalka ah ee Soomaaliya Engineer Saalax Sheekh Cusmaan ayaa shegay in wasaaradiisu ujeedkeedu uu yahay in qof walboo Soomaaliya ah uu helo guri uu dego.

“Ujeedka wasaarada waxaa uu yahay in qof kastoo Soomaali ah uu helo guriga uu ku noolaado isagoo sharaf leh markii qof walba uu guriga dego uu helo markaas ayaa amni la heli karaa markaas ayaana nolol la heli karaa”. ayuu yiri Wasiir Cismaan.
Shirkan ayaa ah kii ugu horeeyay oo ay qabato wasaarada howlaha guud iyo dib u dhiska ee xukuumada Federaalka Soomaaliya ,waxaana dhinaca kale wasaarada ay wadaa dib u dhis ay ku sameyneyso xarumaha wasaaradda ee ku yaala magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.

Sequence 05.Still001 Sequence 05.Still003 Sequence 05.Still004 Sequence 05.Still006 Sequence 05.Still007 Sequence 05.Still008 Sequence 05.Still010 Sequence 05.Still011

W/D: Ibraahim Guudle

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here