Shir looga hadlay howlgabka shaqaalaha Rayidka oo Nairobe lagu qabtay.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xersi Warfa ayaa magaalada Nairobi ku soo xiray shir saddexdii maalmood ee u dambeyay ka socday halkaasi oo looga hadlay Hawl-gabka shaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed.

Shirka waxaa ka qeybgalay Wasaaradaha Shaqada ee dowlad-gobolleedyada, guddiga shaqaalaha rayidka Federaalka iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Bangiga Adduunka, iyadoo aad looga falan- qooday siyaasadaha iyo xeererka ugu degsan Dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada xubnaha ka ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here