Shir Looga Hadlay Maareynta Maamulka Badaha Soomaaliya Oo Mombasa Lagu Soo Gabagabeeyay

0
1236

Shir looga hadlayay maareynta maamulka badaha Soomaaliya ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Mombasa ee dalka Kenya kaasi oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka kala socda dowladda dhexe iyo maamulada ka jira dalka Soomaaliya.

Agaasimaha Hey’adda Cilmi barista badaha Soomaaliya Admiral Faarax Qare oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in shirkani muhiim gaar ah uu u lahaa bulshada Soomaaliyeed uuna daba joogo shirar horey loo qabtay oo la xiriira arrimaha maareynta badaha Soomaaliya.

Admiral Faarax Qare ayaa waxa uu sheegay in shirka ay ka qeyb galeen xubno ka socday maamul goboleedyada dalka iyo Dowladda Soomaaliya uuna socday sida uu tilmaamay sedex cisho ujeedada shirkana uu ahaa in la waafajiyo qawaaniinta Caalamiga ah sharciga bada Soomaaliya.

Hey’adda Cilmi barista badaha Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u horumarin laheyd badaha Soomaaliya, iyadoo hey’adaasi intii ay jirtay wax badan oo horsed u noqonaya horumarinta badeen ku howlan kuwaa oo qaarkood meel wanaagsan maraya.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here