Shir looga hadlayay arimaha Dhalinyarada oo Muqdisho lagu qabtay”Sawirr”

2030

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Shiikh Cismaan “Jawaari” ayaa maanta furay shir wada tashi ah oo ay soo qaban qaabisay wasaarada Dhalinyarada iyo Isboortiga ee dowlada Federaalka Soomaaliya islamarkaana ay ka qeyb galayaan dowlada goboleedyada dalka ka jira iyo mas’uuliyiinta xiriirada isboortiga ee dalka.

Shirkan wada tashiga ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga ee xukuumada Somaaliya Maxamed C/laahi Xasan “Nuux” isagoo soo dhaweeyay ka qeyb galayaasha shirka.

Furitaankii shirkan wada tashiga ah ayaa waxaa hadalo ka jeediyay wasiirada ka socday dowlada goboleedyada ka jira dalka oo ay ka mid ahaayeen wasiirka Isboortiga,Dhalinyarada iyo shaqada iyo shaqaalaha ee Puntland C/raxmaan Axmed C/lle,wasiirka Arrimaha bulshada ee Jubbaland Maxamed Ibraahim Maxamed iyo Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada ee maamulka koonfur galbeed Soomaaliya C/laahi Cabdi Cumar Fanax.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo si rasmi ah u furay shirkan wada tashiga ah ayaa ku baaqay in la sameeyo shir ay ka wada qeyb galayaan dhamaan dhalinyada Soomaaliyeed,isagoo ballan qaaday in Baarlamaanka uu meel marin doono waxyaabaha ka soo baxa shirkaasi.

DSC_5998 DSC_6000 DSC_6003 DSC_6004 DSC_6007 DSC_6011 DSC_6014 DSC_6015 DSC_6016 DSC_6018 DSC_6019 DSC_6021 DSC_6022 DSC_6027 DSC_6028 DSC_6029 DSC_6030 DSC_6031 DSC_6032 DSC_6033 DSC_6034 DSC_6036 DSC_6038 DSC_6040 DSC_6043 DSC_6044 DSC_6055 DSC_6060 DSC_6061 DSC_6062 DSC_6077 DSC_6089 DSC_6090

Sawir Qaade: Cilmi Waare

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here