Shir Looga Hadlayay Qaab Dhismeedka Ciidanka Boliiska Oo Nairobi Ku Soo Gabagaboobay “Sawirro”

Shir looga hadlayay qaab dhismeedka ciidanka booliska soomaaliyeed oo uu ka soo qeyb galay wasiirka Amniga gudaha soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed, wasiirada Amniga maamul goboledyada’Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed’Taliyaha ciidanka CID-da, gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir, iyo wakiilo ka kala socday Hiiraan iyo Shabelada Dhexe ayaa galabta lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi.

Xiritaan shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul wadaare ku xigeenka dalka  Maxamed Cumar Carte’xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Axmed Cali Daahir iyo wasiiru dowlaha wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Maxamuud Cabdi Xasan (Bekos).

Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay dowlada Soomaaliya’waxaana fududeeyay Qaramada midoobay iyo Midowga Afrika.

6903_10207190986346031_677159806642462297_n 7494_10207190984985997_5992924434439735880_n 1923830_10207190984265979_604202228743303215_n 1930544_10207190985706015_4274249496395019304_n

Sawir Qaade:-Cilmi Maxamed Waare

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here