Shir looga hadlayay qabyo qoraalka sharciga doorashooyinka oo lagu soo gabo gabeeyay Muqdisho “SAWIRRO”

955

Kulankaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay sharciyaqaano ka kala socda Gobollada dalka, Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, Guddiga Xaduudaha, Wasaaradda Cadaaladda iyo Wasaaaradda Dastuurka.

Ka qeyb galayaasha kulanka oo koox  koox loo qeybiyay ayaa dood qaadatay laba maalmood ka yeeshay qabya qoraalka sharciga doorashooyinka Qaranka Soomaaliya.

Gabagabada kulanka Agaasimaha Waaxda Federaalka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya Cabdinaasir Xaaji Axmed ayaa sheegay in talooyinka  ka soo baxay dooda ka qeyb galayaasha ay qaadanayaan, Wasaaraduna ay sii balaarinayso la tashiga qeybaha muhiimka u ah sameynta sharcigaan.

“Waxaan ku faraxsanahay fikradaha iyo talooyinka wanaagsan nala siiyay, waana diiwaan gashanay, waxay qeyb ka noqonayaan talooyinka nagu soo biiri doono  ee ka imaanaya gobolka Benaadir, Dowlad Goboleedyada iyo qofkasto oo Somaali ah oo wax ku kordhinaya sharcigaan” ayuu yiri Agaasimaha

Agaasime Cabdinaasir waxa uu intaa ku daray inay hubin doonaan qabya qoraalka sharciga doorashooyinka inuu waafaqsan yahay shuruucda dalka u degsan.

‘’Waxaan hubin doonaa inuu waafaqsan yahay Dastuurka dalka iyo shuruucda kale, waxaana marsiinaynaa 11  geeddi socod oo sharci walba uu marana waa uu maraya qabya qoraalkaan”

Kulankaan ayaa ka qeyb ka ah dadaalada Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya ee dhameystirka sharciyada muhiimka u ah doorasho qof iyo cod ah inay ka hirgasho guud ahaan dalka.

Cabdishakuur Cali Axmed

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here