Shir looga hadlayay u gurmashada Soomaalida Yemen ku dhibaateysan oo Muqdisho lahu qabtay

1249

Shirkan ayaa looga hadlayey sidii loo sameyn lahaa abaabul xooggan oo ay bulshada Soomaaliyeed uga qeyb-qaadayaan sidii loo soo samatabixin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gudaha dalka Yemen ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana shirkaan soo diyaariyey xafiiska Arrimaha Bulshada ee Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Kulanka waxaa guddoominayey Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha, mudane Cali Sheekh Maxamed Nuur, iyadoo ay ka soo qeyb-galeen Culimo, xubnaha mas’uuliyiinta bulshada Rayidka, Qusulka Guud ee Soomaaliya u fadhiya Yemen, hey’adda Qaxootiga Qaranka iyo wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Shirkaan ayaa lagu soo gudbiyey war-bixinno ay soo uruuriyiyeen Qunsuliyadda Guud ee Soomaaliya ee dalka Yemen iyo hey’adda Qaxootiga Qaranka, waxaa ka dhex muuqdey warbixinnadaas in lagama maarmaan ay tahay in laga faa’ideysto shanta maalmood ee ay dowladda Sacuudiga sheegtay in ay joojineyso duqeymaha Yemen ka socdey.

Qunsulka guud  Soomaaliya ee dalka Yemen, Axmed Cabdi Xasan (Suudaani) ayaa warbaahinta Qaranka u sharraxaya waxyaabaha ka soo baxay shirkaan looga hadlay Arrimaha Qaxooga Yemen ku dhibaateysay, waxa uu sheegay in guddiyo Bulshada rayidka ah oo shacabka abaabulaha in la sameeyey si loo  badbaadiyo nolosha dadkaasi Soomaaliyeed.

“Marka dowladda Soomaaliya iyadoo xil iska saareysa gudaneysana waajibaadkeeda Qaranka, ayaa halkaan la isugu yeeray shir ay ku marti qaadey bulshada rayidka, waxaana looga hadlayey sidii wax loogu qaban lahaa dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka Yemen, waxeyna arrintaan ku soo aadey xili dowladda Sacuudiga ay ku dhawaaqdey xabad-joojin shan maalmood ah”, ayuu yiri Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya Yemen.

Sidoo kale Qunsulka guud Soomaaliya ee dalka Yemen, Axmed Cabdi Xasan (Suudaani), ayaa tilmaamay in shanta maalmood ee xabad  joojinta in dalka Yemen la geyn doono gurmad ay ka qeyb-qaataan shacabka Soomaaliyeed ee dagaallada Yemen ay sameeyeen, tallaabada xigtnana laga dhigo in dadka lagu soo celiyo dalkooda.

“Waan rajeyneynaa in shanta maalmood ee lagu dhawaaqay Xabad-xoojinta in dowladda Soomaaliya iyadoo kaashaneysa bulshada rayidka, waxaan

rajeyneynaa in halkaasi la gaarsiiyo gargaarka ay dirtay dowladda Soomaaliya, ayna ka qeyb-qaateen guud ahaan shacabka, sida golaha wasiirrada, Barlamaanka, Jaamacadaha iyo dadka kale ee Soomaaliyeed, waxaana rajeyneynaa in gurmadkaasi uu gaari doono dadka u baahan” ayuu intaa ku daray Qunsulka guud Soomaaliya ee dalka Yemen, Axmed Cabdi Xasan (Suudaani).

Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay in todobaadka soo socda diyaaraddii ugu horreysay ee wadda dad Soomaaliyeed oo laga soo qaaday dalka Yemen in ay imaan doonto magaalada Muqdisho, loona baahan yahay in  shacabka reer Muqdisho ay u diyaar garoobaan sidii ay  gacan u siin lahaayeen walaalahooda laga keeni doono dalka Yemen.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here