Shir looga hadlayay wada shaqaynta Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Ee Soomaaliya iyo kuwa Maamul goboleedyada oo maanta Muqdisho ka dhacay”Sawrro”

0
2106

Shirkaani oo uu gudoominayey Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukumadda Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qaybgalay Xubno ka kala socday  Wasaaradaha Isgaarsiinta Maamulada dalka ka jira,

Waxaana looga arrinsanayey kulanka sidii wada shaqeyn buuxda ay u dhex mari lahayd Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Wasaaradaha  Boostada iyo Isgaarsiinta ee ay leeyihiin Maamul goboleedyda dalka ka jira.

Waasarada Boostada iyo Isgaarsiinta Dowladda dhexe ayaa  sidoo kale u soo gudbisay Wasiiradaha shirka ka qeyb galay sharciga Isgaarsiinta oo ay Wasaaraddu soo diyaarineyso si ay talooyin uga dhiibtaan,

Doodd dheer oo laga yeeshay sharciga Isgaarsiinta dalka ayaa ugu dambayn laga soo saaray Sadax qodob oo ay isku raaceen Wasaaradda boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumada Soomaaliya iyo Wasiiradi  ka socday wasaaradaha isgaarsiinta maamul goboleedyada.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Axmed Xaaji Cabdi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in muhiimadu ahayd sidii wada shaqayn u dhax mari lahayd Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Dowladda dhexe iyo kuwa Maamul goboleedyada, iyo in ay doorkooda ka qaataan sharciga ay wasaaraddu diyaarinayso.

Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Dowlada Soomaaliya mudane Guuleed Xusseen Qaasim oo shirka soo Xeray ayaa uga Mahad celiyay Ergada ka soo qeybgashay shirka imaantinkooda,  waxa uuna sheegay in muhiimadda ugu weyne ay ahayd sidii wada shaqaynta hay’adaha Dowladda dhexe iyo kuwa Maamul goboleedyada kor loogu qaadi lahaa, Isagoo aad uga mahad celiyay xubnahan sida ay fakarkooda uga dhiibteen sharciga Isgaarsiinta ee ay wasaaraddu diyaarinayso.

DSC08926 DSC08929 DSC08928 DSC08927 DSC08925 DSC08924 DSC08923 DSC08922 DSC08921 DSC08920 DSC08919 DSC08917 DSC08916 DSC08915 DSC08914 DSC08912 DSC08911 DSC08910 DSC08909 DSC08908 DSC08906 DSC08905 DSC08904 DSC08901 DSC08900 DSC08898 DSC08860 DSC08856 DSC08853 DSC08852 DSC08851 DSC08850 DSC08849 DSC08848 DSC08847 DSC08846 DSC08844 DSC08843 DSC08842 DSC08839 DSC08838 DSC08837 DSC08836

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here