Shir looga hadlayo iskaashiga ilaalinta Xuduudaha dalka oo ka furmay Muqdisho +Sawirro

55

Muddo laba maalmood ah oo uu soconayo shir wadatashi ah oo ay soo qaban qaabisay hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee  Dowladda Federaalka ah ayaa ka qeybgalayaasha oo ka kala socda hay’adaha Amniga, Garsoorka iyo wasaaradda Shaqada, caafimaadka iyo Arrimaha Dibadda waxa ay diirada ku saarayaan xoojinta wada shaqeynta Hay’adaha ka howlagala Xuduudaha dalka; sida xuduuda barriga,Garoomada diyaaradaha iyo Dakadaha.

 

G/sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) Agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya ayaa sheegay in hay’adaha shirkan isugu yimid uu kor u qaadayo sharafka iyo qaranimada Soomaaliya,wuxuuna xusay in ka hay’ad ahaan ay ka shaqeynayaan sare u qaadista wada shaqeynta dhinacyada ku lug leh arrimaha Xuduudaha.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya sareeyo gaas, Bashiir Cabdi Maxamed, ayaa bogaadiyay dadaalada ay hay’adda Socdaalka isugu xilqaameyso ilaalinta xuduudaha dalka.

Booliska marwaliba waxa ay wada shaqeyn dhow la leeyihiin Immigration-ka hadii ay tahay dhinaca baarista iyo qabashada dadka Dambiyada lagu heysto, marka waxaanu sii balaarin doonaa xiriirka aan la leenahay hay’adda Socdaalka, waxaana aaminsanahay in Booliska iyo hay’adda Socdaalku aysan kala maarmin,” sidaa ayuu hadalkiisa sii raaciyay Taliyaha Booliska Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, waxa uu balan qaaday in xafiiska xeer ilaalintu si buuxda u garab istaagayo Hay’adaha ka howlagala xuduudaha dalka si Dowladda Soomaaliya ay awood ugu yeelato ka warqabka dhaq dhaqaaqa xuduudaha barriga iyo dadka ka soo galaya garoomada iyo Dekadaha.

Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha Xukuumada Soomaaliya, mudane Maxamuud Maxamed Boonow, oo isagu shirkan furay ayaa xusay in isku fulnaasho dhinaca ilaalinta xuduudaha ah hadda ay muuqaneyso, loona baahan yahay in la sii xoojiyo iskaashiga arrintaasi ku aadan.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe ku howllaneyd dadaalada lagu xoojinayo ilaalinta Xuduudaha dalka, iyadoo hay’addu xafiisyo ka furatay deegaanada ku yaala xuduudaha dalka si looga warqabo dadka iyo badeecadaha soo galaya.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here