Shir looga hadlayo sidii siyaasad qoran loogu sameyn lahaa Qarashaadka kubaxa Safaradda Masuuliyiinta Dowladda oo lagu qabtay Muqdisho

548

Wasaaradda Maaliyadda waxaa ay wadaa Qorshe Nidaam iyo laxisaabtan loogu sameynayo Dhaqaalaha ku baxa Safaradda Madaxda Dowladda ee Gudaha iyo Dibadda iyo Dhanka Shidaalka qarashaadka ku baxa sidii loo xisaabin lahaa iyadoo oo loo marayo Sharci.

Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda, Agaasimyaasha Maamulka iyo Maaliyadda, Xisaabiyaasha iyo Xogheynta joogtada ah ayaa hadda ka doodaya sidii sharcigan loo dhameystiri lahaa kadibna loogu gudbin lahaa Golaha Wasiiradda..

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Saleemaan Sheekh Maxamed Cumar ayaa sheegay in Siyaasad cad laga soo saarayo qarashaadka ay Dowladdu bixiso qaabka loo isticmaalayo.

“Sababta aan dadkan isugu keenay ayaa ah sidii loo heli lahaa Siyaasad dhanka habraaca qarashaadka ay dowladdu bixiso taasna haddii lahelo waxaa ka dhalanka faa’iidooyin badan oo dhankasta ah muhiim gaar ah u leh Wasaaradda Maaliyadda” sidaas waxaa sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya

Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Cabdisaaq Maxamed Abuukar tilmaamay in arrintan siddii loo dhaqan galin lahaa laga soo shaqeynayey haddii dhankooda kasoo dhamaatana la-horgeyn doono Golaha Wasiiradda Xukuumadda.

“Muhiimadda laga leeyahay arrinatan ayaa sidii loo heli laha habraac cusub oo dhanka Maaliyadda ah kaas ayaa hadda dooneynaa in aan dhameystirno waxaana dhamaan Madaxda dhanka Maamulka isigu yeernay sidii aan u dhameytiri laheyn kaas oo hadda meel gabo ah inoo maraya”

Mudada uu socdo shirkan ayaa Masuuliyiinta Wasaaraddaha ee halkan isugu yimid ka doodi doonaan siddii Habraacan Maamulka iyo Maaliyadda wax uga badi lahaayeen fikiradda ay qabanaa u soo gudbin lahaayeen.

Ali Ahmed

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here