Shir u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabka oo maanta furmaya

Wasiirka arrimaha dibadda iyo maalgashiga ee xukuumadda Soomalia  Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa Radio Muqdisho u sheegay in shirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta diiradda lagu saari doono maalgashiga Soomaliya iyo sidii dowladda Isu-taga Imaaraadka Carabta ay u qaadan lahayd kaalin lagu hormarinaayo dhinacyada beeraha, xoolaha  iyo xoojinta kaabeyaasha dhaqaalaha waddanka Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu sheegay in kheyraadka Soomaaliya la maalgashan karo, taas oo keeni karta in dadka Soomaaliyeed ay ka faa’iideystaan xoolaha, kalluunka iyo beeraha, ayadoo dowladaha caalamkuna ay maalgashi ku sameysan karaan.

shirkaan waxaa ka horreeyay heshiisyo dhinacyo badan leh oo u dhaxeeya Imaaraadka Carabta iyo dowladda Soomaaliya, kuwaas oo ku saabsan horumarinta adeegga bulshada iyo arrimo kale.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa mashaariic ay ku jiraan goobo caafimaad , ceelal iyo dhisme ka wadda waddanka, ayadoo sidoo kale dowladda ka taageerta dhismaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here