Shirka Dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyada dalka oo Muqdisho ka furmay “SAWIRRO”

0
3194

Waxaa goor dhow magaalada Muqdisho ka furmay shirka u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada dalka, kaasi oo uu shir gudoominayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda dowlad goboleedyada iyo masuuliyiinta qaranka oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Shirka ayaa inta uu socdo waxaa diiradda lagu saari doonaa wada shaqeynta dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada iyo sida looga wada shaqeyn karo la dagaalanka Al-shabaab.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here