Shirka Golayaasha Xeer-dejinta Dowladda Federaalka iyo M/Goboleedyada oo ka furmay Garoowe

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa magaalada Garoowe ka furay shirka Golayaasha Xeer-dejinta Dowladda Federaalka iyo Dowladda Goboleedyada dalka.

 

Furitaanka shirka ka dib, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka ayaa kormeeray xarumaha wasaaradaha Puntland,isagoo u kuur galayay shaqada xarumadaasi ka socda.

Wuxuuna Guddoomiye Cawad sheegay inuu shirkani ka rajeynayo iney ka soo bixi doonaan qodobo lagu sii dar dar geliyo wada shaqeynta iyo iskaashiga Golayaasha sharci dejinta ee dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad iyo guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada.

Shirka Golayaasha sharci dejinta ee dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada ayaa ah kii shanaad ee ay yeeshaan,wuxuuna maanta sii rasmi ah uga furmay magaaladda Garoowe ,isagoo socon doona sedaxda maalin ee soo socota.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here