Shirka guddiga farsamada arrimaha doorashooyinka oo ka furmay Muqdisho “SAWIRRO”

Shirkii guddiga Farsamada arrimaha doorashooyinka ee Dowladda Federaalka, Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa maanta ka furmay hoteelka Decale ee magaalada Muqdisho.

Shirkan oo noqonaya wajiga labaad ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha doorashooyinka, waxaana wajigii 1aad ee shirkan uu horay uga dhacay Baydhabo 15-kii February,  iyadoo shirkaasi laga gaaray go’aamo masiiri ah

Shirkan ayaa wuxuu hordhac u yahay shirka Madaxda Federaalka, Madaxda Dowlad Goboleedyadda iyo Gobalka Banaadir oo la filayo in dhawaan uu ka furmo Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here