Shirka iskaashiga dhaqaalaha Dalalka Qaaradda Afrika iyo Japaan oo maanta lagu soo gaba gabeynayo Magaalada Johannesburg

0
646

Magaalada Johannesburg ee dalka South Africa ayaa maanta lagu soo gabangabaynayaa shirka wadamada Africa iyo Japan oo looga hadlayey  horumarinta dhaqaalaha iyo iskaashiga labada dhinac.

Shirkaas waxaa Soomaaliya uga qaybgalaya wasiir dawlaha arrimaha dibadda Cabdiqaadir Axmed khayr iyo mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda Soomaaliya, waxaana shirkaasi diiradda lagu saaray xoojinta hay’adaha dhaqaalaha dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee Africa, kana faa’iidaystaan maalgashiga Japan.

Wafdiga wasiir dawlaha ayaa sidoo kale kulamo gaar ah la qaatay Wasiir ku xigenka wasaaradda arrimaha dibadda Japan, waxaana ay ka wada hadleen iskaashiga gaarka ah ee labada dal ka dhexeeya sidii loo xoojin lahaa.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here