Shirka Maaliyadda oo ka furmay Magaalada Kismaayo+Sawirro

1658

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa magaalada Kismaayo goordhow ku daah furay shir looga hadlayo Maaliyadda oo ay ka qeyb galayaan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirada Maaliyadda ee dowlad Goboleedyada iyo marti sharaf kale oo shirka lagu casuumay.

Shirkan ayaa looga hadli doonaa qaabka loo mideyn lahaa canshuuraha dalka, gaar ahaan Dowlad goboleedyada iyo mida ay qaado Dowladda Federaalka ah, waxaana shirkan laga soo saari doonaa Warmurtiyeed.

Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa wada dadaalo lagu hormarinayo dhaqaalaha dalka, waxaana ay xooga saareysaa sidii loo mideyn dhaqaalaha guud ahaan dalka, iyadoo dhawaan Hay’adda Lacagta Aduunka ee loo soo gaabiyo IMF ay soo dhaweysay guulaha Soomaaliya ay ka gaartay Hanaanka maamul Maaliyadeed.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here