Shirka Madasha Wada-Tashiga Qaran oo Muqdisho ka furmay

1
5622

Shirka Madasha wada-tashiga Qaranka oo ay ka qeyb galayaan dowladda Dhexe iyo Dowladaha gobollada ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay shirkaan oo looga hadlayo arrimo ay ku jirto hannaanka doorasho ee sanadka 2016-ka.

Dowlad-goboleedyada dalka madaxdooda ayaa ka qeyb galaya shirkaan, oo lagu soo bandhigi doono natiijada kulamo wadatashi ah oo gobollada dalka ka dhacay bilihii la soo dhaaday, taas oo ay shacabku ku soo gudbiyeen aragtidooda ku aaddan hannaanka doorasho lagu geli karo sanadka 2016-ka.

Wixii warar ah ee ku soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa hadduu Alle idmo.

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. soomaali diidka isku maleeyo in uu asal soomaali aheyn oo lagu magaacaabo gaas waa in tilaabo dowlada ka qaado oo meeshooda ay naga JOOGAAN . BAAHI HA KU WAREERAANE WAA JAAHILIIN AAN SOO SAARAN KARIN DALAGA BEETRAHA , WAA SOOMAALI DIID , EE DHAGAHA HA LAQGA TUMO; RAYI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here