Shirka madasha wadatashiga Qaran oo lagu wado in lagu soo gabo gabeeyo Muqdisho

0
1033

Shirka madasha wadatashiga Qaran ayaa lagu wadaa in maanta lagu soo gaba gabeeyo Muqdisho, waxaana la filayaa inay ka soo baxaan qodobo la xiriira habka farsamo ee loo wajahayo soo xulista Xildhbaanada Barlamaanka Cusub.

Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa ajendayaal ay ka mid yihiin dhaqan-gelinta nidaamka doorasho ee lagu heshiiyay, in laga munaaqishoodo barnaamijka siyaasadda dowladda ee Amniga Qaranka iyo barnaamijka dib u eegista dastuurka KMG ee Qaranka.

Waxaa la filayaa in sirka laga soo saaro habka farsamo ee lagu soo xulayo Xildhhibanada labada aqal ee baarlamaanka cusub.

Wararka waxa ay sheegayaan inaysan jirin wax caqabad ah, oo ilaa iminka jira, iyadoo gabo gabada la soo saaro doono qodobo muhiim u ah ajendayasha laga hadlayo.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here