Shirka madasha watashiga Hogaamiyeyaasha oo galay maalintii labaad

1
3715

Shirka Madasha Wadatashiga hoggaamiyeyaasha Qaranka oo ay ku mideysan yihiin hoggaanka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira oo galay maalintii labaad ayaa maanta diiradda lagu saarayaa arrimaha siyaasadda iyo ammaanka…..

Afhayeenka Madaxtooyada Qaranka Daa’uud Aweys ayaa sheegay in shirka diirada lagu saarayo hadba mowduuca muhiimka u ah doorashada dadban ee sanadkan 2016-ka iyo dhaqan gelinta hannaanka lagu heshiiyay ee doorasho.

Afhayeenka ayaa xusay in shirka lagu wado in gabo gabadiisa laga soo saaro warmurtiyeed ku qotoma waxyaabaha lagu gorfeeyay, waxaana uu intaa raaciyay in ajandayaasha ugu muhiimsan diiradda lagu saarayo.

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. Waxaan dhihi lahaa dowlada faderaalka iyo maamulada wadanka Kajira sida (jubaland koonfur galbeed. Puntland. Iyo galmudug )oo uu shirka Uga socdo magaalada muqdisho umadaan Degan wadanki la dhihi jiray Somaliya was dad kala qeybsamay. dagaal halis ah oo dhiig dad Masaakiin lagu daadinayo uu socdo Ayna shabaab masuul ka yihiin . Iyo qabiilo dagaal qabow ka dhex socdo. Wadan wuu jiri karaa hadii dadkiisa ay wanaag iyo wadajir usukaalmeeyn iyo ninka liita oo la caawiyo ..hada taas may muuqato hadii qeybaha somalida shirsan goaano qiima leh soo saaraan waxaan dhihi karaa waa bilowgi Somaliya….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here