Shirka qorshaha soo kabashada u adkeysiga Abaaraha oo maanta lagu soo gaba gabeeyn doono dalka Kenya &Sawiro

0
567

Waxaa maalintii saddexaad galay shir looga hadlayo arrimaha Fatahaada iyo abaaraha kaasi oo ka socda magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya,waxaana shirka si rasmi ah uga furmay Xarunta Bank Aduunka Magaalada Nairobi ee Dalka kenya.

Ka qeyb galayaasha shirka ee Dowladda Somaaliya iyo Beesha caalamka ayaa inta uu shirka socda diirada saari doona ka doodista geedi socodka wax ka qabashada dhinacyada dib u kabashada iyo u adkeysiga Abaaraha.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Soomaaliya C/qaadir Maxamed Aadan ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la qaado tallaabooyin wax ku ool ah oo ku saabsan arrimaha soo laab laabtay sida Fataahada iyo Abaaraha Dalkeenna.

Maanta galin ka dambe ayaa la filayaa in lasoo gaba gabeeyo iyadoo laysu raaci doona wax ka qabashada talaabooyin Ahmiyad u leh soomaaliya.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here