Shirka Wasiirada Beeraha ee Jaamacadda Carabta oo ka furmaya Sudan “SAWIRRO”

2503

Wasiirka Wasaaradda Beeraha ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya  Mudane Saciid Xuseen Ciid iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa booqasho shaqo ku tegay dalka Suudaan, isagoo halkaasi kaga qayb galaya shirka Wasiirada Beeraha ee Jaamacadda Carabta.

Wafdigaan ka socda Wasaaradda Beeraha ee Soomaaliya waxaa garoonka diyaaradaha ee Khartoum ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Suudaan iyo Safiirka Soomaaliya ee dalkaasi Danjire Maxamed Cabdullahi Ugaas.

Shirka Wasiirada Beeraha ee Jaamacadda carabta  ayaa lagu wadaa in uu ka furmo maanta magaalada Khartoum, waxaana qorshuhu yahay in lagu doorta guddoomiyaha guddiga Beeraha ee Jaamacadda Carabta.

W/D Yuusuf kashmiir-(Kartoum)

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here