Shirkii Golaha Amniga Qaranka oo maanta ka furmaya Baydhabo

829

Shirkii Golaha Amniga Qaranka ayaa maanta ka furmaya magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay,kaasi oo ay ka qeybgalidoonaan madaxweynaah iyo Raiisul Wasaaraha Dalka,madaxda dowlad Goboleedyad iyo Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa magaalada Muqdisho.

Qaban qaabo ku aadan qabsoomidda shirkaasi ayaa haatan ka soconaysa magaalada Baydhabo,iyadoo saacadaha na soo aadan lafilayo in uu sirasmi ah uu u furi shirkaasi madaxweynah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Shirkan oo saddexdii biloodba mar la qabto,islamarkaana socondoono muddo 2 maalmod ah  waxaa looga hadli doonaa arrimo badan oo ay kamid yihiin  amniga guud ee dalka, hannaanka federaalaynta, wadaaga khayraad dalka iyo tayeynta iyo isku dhafka ciidamada.

Shirkan daba socda shirar ka horeeyey oo looga hadlayay arrimaha masiiriga ah ee dalka,iyadoo lafilayo in ay ka soo baxaan natiijooyin wax ku ool ah.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here