Shirkii Midowga Baarlamaannada Adduunka oo lagu soo geba gebeeyey Qatar

Shirka 140-aad ee midowga Baarlamaannada Adduunka ayaa lagu soo geba gebeyeey magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qatar,waxaana ka qeybgalay Wafdi heer sare ah oo ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

 

Waxaa shirkan la qabtaa sanadkiiba mar,waxaana inta badan diirada lagu saaraa hadba xaaladda taagan,ee wadamada ku mideysan oo ay Soomaaliya kujirto.

Shirkan ayaa geba gebadiisa waxaa laga soo saaray qodobo muhiim ah oo ay qeyb ka tahay wadashaqeynta baarlamaanada aduunka,iyo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatoyin badan oo kajira dalalka caalamka qaarkood.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here