Shirweyne Qaran oo la xiriira shaqada xeer ilaalinta ayaa laga furay Muqdisho

0
1052

Shirweyne Qaran ee nidaamka Xeer ilaalinta dalka ayna ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda F. Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo socondoona muddo laba maalin ah ayaa looga doodi doona  qodabo ay ka mid  yahiin, helsita xeer iyo qoraallo khuseeya shaqada xeer ilaalinta, xeer ilaaliyaha hab dhaqanka xeer ilaaliyaasha, xeerka khuseeya cadaalada, asluubta iyo Booliska iyo madax banaanida xafiiska Xeer ilaalinta.

Dr.  Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa tilmaamay in shirkan uu muhiimad wayn u leeyahay bahida caddaalada oo dhan isagii intaa raaciyay in muddada labada maalin ah si wayn ay u falanqayn doonaan shaqada xeer ilaalinta iyo dhisidda dallad  ay ku mideysanyihiin xeer ilaaliyaasha dalkeena.

Wasiirka Cadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay  bahda cadaalada in ay codkooda ku muujiyaan muhiimada ay cadaaladdu leedahay.

Guddoomiyaha Maxkaada Sare Dalka Abuukaate Ibraahiim Iiidle Suleymaan  oo ka hadlay furitaanka shirkaasi ayaa tilmaamay in shaqada cadaaladdu ay tahay mid aad u culus islamarkaana u baahan in loo guto si hufan oo ay ku dheehantahay Alle ka cabsi iyo waddaniyad.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here