Sidee loo maareeyay Daadadkii Roobaad, Dabeylihii iyo Fatihii Webiyada (WARBIXIN)

0
1392

Burburkii dowladdii dhexe ee dalka 1991 ka dib, waxaa dalka iyo dadka Soomaaliyeedba waayeen kaalin wayn oo ah doorkii iyo weheshigii bulshada ee dowladnimadii dalka, taasi oo qorshe iyo Istaraatiijiyad dhow iyo mid fog u dejin jirtay ka hortagga iyo ka daba tagga Masiibooyinka soo wajaha Dadka iyo Dalka, waxaana tusaale ahaan u soo qaadan karnaa Abaartii Dabadheer oo Dalkaan ka dhacday sanadihii 1974-1975tii, balse Xilligaasi kadib,waxaa dalka ka dhacay abaaro, Fatahaado iyo duufaanno mana helin shacbigu cid u buuxisa kaalintii bannaanayd ee dowladnimada, waxaase nasiib wanaag ah in dhowr iyo toban sano kadib burburkii ay dalka ka hanaqaadeen dowlado is xigxigay oo midba midda ka dambeysa uga sii dhawaanaysay tubta lagu gaarayo higsiga Dowladnimo buuxda oo uu dalku yeesho.

Haddaba waxaa dalka Soomaaliya intabadan ka da’ay Roobab wata Daadad iyo dabeylo iyo waliba fatahaado Webiyo, Waxaa sii kordhaya Khasaaraha ka dhashay Roobab lixaad leh oo wata Duufaanno dhaliyay Daadad xooggan oo ka da’ay Todobaadyadii la soodhaafay qeybo ka mid ah Gobollada Dalka, halka Gobollo kalena ay horey u heysatay dhibaatada ka dhalatay Daadad iyo fatahaado Webiyo, iyadoo Meelahii ugu dambeysay ee ay ka dhacaan Roobabka wata dabeylaha ayaa waxaa ka mid ah Gobolka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya, iyadoo War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Maamulkaasi lagu sheegay in Roobabkan dabeylaha wata ay saameeyeen Dad gaaraya 669 kun oo Qof, halka ay galaafteen nolosha 80% xoolihii ku dhaqnaa degaanadaasi.

Warkaasi ayaa waxaa kaloo lagu sheegay in 25 Qof ay ku dhinteen Roobabka iyo Duufaannada is wata, 12 Qof na ay ku dhaawacmeen, halka 27 kalana la la’yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen ama (Rag iyo Ruux).

Masuuliyiinta Gobollada Xeebta ee Waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya inuu Khasaaruhu intaa ka badan yahay oo ay tirada dhimashadu marayso 29 Qof , halka tiro intaa ka badanna la la’yahay, waxaana Maamulka ka arrimiya halkaasi ay baaq qeyla dhaan ah u direen Beesha caalamka iyo Dadka qurba joogta ah, si ay uga qeyb qaataan taakulaynta Dadka ku waxyeelloobay Duufaannada iyo daadadka.

Dhinaca kalena Warbaahinta gudaha ee Soomalida ayaa sheegaya in 6 ruuxi ku geeriyootay daadadkii ku dhuftay Magaalada Muqdisho halka Boqolaal qofoodna ay ku guryo-beeleen, islmarkaana kalifay inay ka barakacaan deegaanadii ay ku sugnaayeen iyo waliba kuwii hore barakacayaasha u ahaa ee ku sugnaa Magaalada muqdisho ayaa iyana khasaare ka soo gaaray dadaadadkaasi.

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Isku duwidda ee Soomaaliya (OCHa) ayaa sheegay in Roobabkaasi ka da’ay Magaalada Muqdisho aanan la arag mid la mid ah in ka badan 30 sano, ayna waxyeello ka soo gaartay in ka badan 750 kun oo Ruux.

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiey xaaladda saameynta roobabkii muddooyinkaan ka da’ayey Caasimadda Dalka ee Muqdisho, wuxuuna sheegay in 6 qof ay ku geeriyoodeen isla markaasna 301 guri ay biyo galeen halka qaar kalana ay dumeen, wuxuuna intaasi raaciyay, “Roobabkii ka da’ay Caasimadda oo ahaa nimco rabbaani ah ayaa saameyn ku yeeshay naf iyo maalba. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waqti walba wadey gurmad oo dadkii saameynta ku yeelatay la geeyey goobo isla markaasna loo diyaariyey raashin iyo hooy”, ayuu yiri duqa Muqdisho, isagoo intaasi raaciyay inuu warbixin xaalada ka siiyey Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed, Ra’iisul Wasaaraha Mudane Xasan Cali Khayre, Wasiirka Amniga iyo Taliyeyaasha Ciidanka Qaranka. Ka dibna Madaxda Qaranka ay fareen in gurmadka la labo laabo, iyadoo ciidamada loo diyaariyey inay kaalin ka qaataan gurmadkaasi.

Guddoomiye Yarisow ayaa sheegay in Maamulka G/Banaadir ay sameeyeen gurmadyo joogta ah sida biyaha oo laga dhuuqayo goobaha ay fariisteen, dadka loo diyaariyey hooy iyo raashin iyo in la guda galo nadaafada caasimadda, si laamiyada burburay dib loogu dayactiro, wuxuuna intaasi raaciyay, in roobabkii mahiigaanka ahaa ee Caasimadda ka da’ay dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ay ka dhasheen khasaarooyin kala duwan oo gaaraya ugu yaraan $35 Million oo dollar, isagoo xusay khasaaraha ka sakow in ay jirto dhibaatooyin bini’aadanimo oo gurmad deg-deg ah u baahan, gaar ahaan cunno iyo agab caafimaad, si xaaladda wax looga qabto, isagoo xusay in maamulkiisu uu la tacaalayo xal-u-helidda dhibaatada roobabka ka dhashay iyo in goobihii ay biyuhu fariisteen laga wado olole ballaaran oo dib loogu soo celinayo bilicda iyo nadaafaddii Magaalada Muqdisho..

Guddoomiyaha oo ka warbixinayay baaxadda khasaare ee naf iyo maalba leh oo ka dhashay daadadka roobka, ayaa waxa uu tilmaamay in tirakoobkii ugu dambeeyey ee la sameeyey uu xaqiijinayo dhimashada 6 qofood oo seddex ka mid ah yihiin caruur da’doodu ka yar-tahay 12 sanno, burburka guryo gaaraya 301 iyo burburka qaar kamid ah jidadka muhiimka ah ee Caasimadda, sida, Laamiga shaqaalaha ee degmada Hodan, Laamiga Dabka iyo Bakaaraha isku xira, Laamiga Cabdalla iyo Cawareero ee Warta-Nabadda, Laamiga Janaraal Daa’uud iyo Jidad kale, isagoo ka digay in roobabka xooggan ay sii xumeynayaan xaaladaha ka jira xerooyinka barakacayaasha oo ay ku nool yihiin barakacayaal xad-dhaaf ah, isla markaana ay barakacinayaan dad kale oo badan oo ku nool deegaannada u dhow biyo-dageenada iyo sidoo kale dad danyar ah oo ku noolaa guryo cooshado ka sameysan.

“Waxaan ugu baaqayaa Hey’adaha gargaar iyo guud ahaan cid walba oo wax heysata in cunno iyo agab caafimaad oo de-deg ah lala soo gaaro shacabka dhibaataysan, sida ay saadaashu tilmaamayso waxaa la filayaa roobab dheeri ah oo xaaladda kasii dari kara, sidaas daraadeed waa in loo diyaar garoobaa gurmadkuna noqdaa mid yimaada waqtiga ku habboon”.Ayuu yiri Eng. Yarisow, ugu dambeyntii waxa uu uga mahadceliyey shacabka Caasimadda iyo Ciidamadda Qaranka doorka muhiimka ah ee ay ka qaateen gurmadkii la sameeyey, waxuna ka codsaday in ay sii xoojiyo gurmadka si dhibaatada looga saaro shacabka Soomaaliyeed.

Sida laga wada warqabo Xerooyinka Barakacayaasha ee Caasimadda waxaa inta badan ka maqan xarumo fayo-dhowr ah, sidaasi darteedna waxaa ay taasi sare u qaadeysaa halista ay ugu jiraan cudurrada faafa uuna ugu daran yahay Cudurka Daacuun Caloolaha.

Shalayna Kulan ay ka soo qeybgaleen Guddiga Qaran ee Fatahaadaha, kana dhacay Villa Hargeysa oo uu shir gudoominayay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa falanqeyn dheer kadib la isla-gartay in deeqaha la haayo loo qeybiyo deegaannada dhibaatadu ka jirto si dhaqsa ahna loola gaaro.

“Lacag hal milyan oo doolar ah ayaan u qeybin doonaa deegaanada iyo goobaha ay fatahaaduhu dhibaatada ka geesteen Xildhibaanno ka socda baarlamaanka oo loo xil saaray in ay la socdaan howlaha gargaarka ayaa kor joogteyn doona oo la socan doona sida gargaarka loo bixiyay”, ayuu yiri Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.
Gargaarka lacageed iyo gargaar kale oo isugu jira Teendhooyin iyo Mara Kaneecooyin ayaa la gaarsiinayaa deegaannada dhibaatadu ka jirto ugu dambeyn maanta oo Khamiista ah, si loo badbaadiyo qoysaska daadadku dhibaateeyeen.

Haddaba sidee loo maareeyay Daadadkii Roobaad ee ka dhacay Magalada Muqdisho?, isku soo wada xooriyoo si weyn oo isku duubni leh ayaa loo maareeyay waayo Dowladda Soomaaliyeed way maareeysay Roobabkii watay daadadka, iyadoo u gurmatay Dadkii ay waxyeelada soo gaartayloo xilligii ay u baahnaayeen.

W.D:- C/laahi Ruush

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here