Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Hambalyo U Diray Ilhan Cumar, Cumar Fatax Iyo Jamaal Cismaan

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha  dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa hambalyo u diray Ilhan Cumar, Cumar Fatax iyo Jamaal Cismaan oo guulo ka gaaray doorashooyinkii heer federaal, gobol iyo degmo ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha  ayaa muujiyay sida dadka Soomaaliyeed ugu faanayaan guusha ay gaareen dhallinyaradan Soomaaliyeed, isagoo rajeenayay inay ka wada shaqeeyaan xoojinta xiirka dadka Soomaaliyeed ee dalka jooga iyo Soomaalida ku dhaqan dalka Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here